Home Society Kala xadayntii beelaha galbeedka Somaliland protectorate

Kala xadayntii beelaha galbeedka Somaliland protectorate

0
761

Kala xadayntii beelaha galbeedka Somaliland protectorat

Xadayntan waxaa la sameeyay markii isticmaarkii ingiriisku waddankeenna joogay afartaneeyo ilaa kontoneeyo sano ee u horreeyay, waxayna dabasocotay amma ay xalraadis u ahayd colaado iyo dhacdooyin waawayn oo tiiranyo badan kana dhex dhacay qabaailka degmada.
Waxaa lakala xadaynayay degaannada maamulka Zaylac Iyo Hargeisa -Berbera iyada oo maanka lagu hayo nabaddaynta beelaha iyo fulinta maamul dawladeedka oo bilow ahayd, xadayntuna waxay u fushay si waafaqsan waqtigaa sidii loo kala degganaa.

Dawladdii isticmaarku waxay beelaha ku dhexdhexaadisay inay nabdooban isla markaana cuqaasha beeluhu masuuliyadda dhinacooga kala qaataan dambiyada ka dhacana ninba dhiniciisa loo raaco.

Heshiiskii markaa la gaadhay wuxuu ahaa mid la wada ogolaaday si fiicanbuuna u hirgalay ilaa mantana oo laga joogo in ka badan boqol sano wax dagaala amma muran ah oo ka dhex dhacay dadka degaanadaa ma jirto.

Khariidadda hoos ku qeexani waa tii markaa la wada oggolaaday oo isla markaa noqotay xuduuddii rasmiga ahayd ee maamulkii degaanka Zaylac, district Zaylac.

Historic ZeilaDistrict Boandary- Fixing points of pre-independence eastern and southern boundaries (delimited 1930s):

1. Wiriirka Kalajeex(pillar on beach)
2. Booddale Well
3. Southeast of Illinta Dhexe(pillar)
4. Satawe-Badhiguduud(pillar)
5. Sac Lamood
6. Xogg
7. Dhudhubta (Dhagax Madoobe)
8. Caruushyada (South of Cali Xaydh)
9. Shiilaha
10. Dhanaan Taagan (top)
11. Siimoodi crest (guud) old tea shop)
12. Siimoodi (western face)
13. Wadda Hiil
14. Darka Dhabi Cade
15. Xoorray Hill (summit)
16. Weraar crest
17. Boon village
18. Dharable summit (1883m)
19. Dharable (western face)-Ethio border

Iyada oo la tixgalinayo dhaqaalahii zaylac oo yaraaday iyo madaxdii Zaylac oo ay ku adkaatay cimiladii meeshu, waxuu maamulkii ingiriisku gartay in labada district, Zaylac iyo Borama la mideeyo loona sameeyo  maamul midaysan caasimaduna noqoto Borama.Magaca cusub ee la siiyay maamulkaa wuxuu noqday Borama-Zaylac district. Waa laba district oo D.C kaliyihi maamulo isago tixgalinaya midba wixii xaas u ah.

Dawladdi kacaanku waxay Zaylac ka goysay district Lughaya, Boramana waxay ka goysay district Baki. Dawladdii kacaanku waxay afartaa district u dallacisay darajo gobal(Region) loogu magac daray Awdal oo ay caasimaddu tahay Baki in kastoo xaruntii maamulka loo rarin Baki.

Sidaasi waxay waafaqsanayd xeerarka caalamku ku dhaqmo oo ah inay dawladuhu ayna xaq u lahayn inay ku dhaqaaqaan amma fuliyaan sidaa imika ay ku hadlayaa qaar ka mida sulddaanada Galbeedka Maroodijeex ee maanta. Dastuurka Somaliland wuxuu isaguna wafaqsanyahay sida dhaqanka caalamka, wuxuuna si cad u qeexay Inaan lagu xad gudbi karin xuduudihi degmoyinka ee 60kii. Degmada Zaylac waxay ahayd degmada kaliya ee loo xadeeyay si cilmiyaysan oo waafaqsan habka caalamka loo fuliyo xadaynta.

Halkaa waxaa cad in 6da goobood ee xaqdarrada lagu xidhan ay taariikh ahaan iyo imikaba ka tirsanyihiin degmada Lughaya, Awdal, anya sidaa ahaan doonan waligood.
Sidaa darteed waxaa habbon in laga waantoobo siyaasadaynta arrimaha bulshada iyo degaanadaa taas oo ay danta iyo nabaddu ku jirto.

Dadkii la kala Xadeeyay waagaa maanta way isdhex degayihiin waana nabadaysanyihiin waxaana haboon in siyaasad gurracan laga daayo.

NO COMMENTS