Horn of Africa Channel

Bariga Dhexe: Qaabka ay isu bedashay khariiradda Falastiin

Kadib muddo ka badan 70 sano markii lagu dhawaaqay dalka Israa’iil, waxaa weli aan laga heshiin xuduudihiisa rasmiga ah. Dagaallo, heshiisyo iyo qabsasho ayaa horseeday in si weyn uu isu bedasho khariiradda Israa’iil.

Waxaan halkan ku soo gudbineynaa tiro khariirado ah oo sharraxaya arintaas.

Dhulka laga dhigay Israa’iil ayaa qarniyo badan waxa uu ka tirsanaa deegaannadii ay ka talin jirtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Kadib dagaalkii koobaad ee dunida iyo burburkii Boqortooyadaas – dhulka Falastiin ee dhaca Galbeedka Webiga Urdun sidoo kalena loo yaqaan dhulka Israa’iil – ayaa dalalkii ku guulaystay dagaalka waxa ay ku wareejiyeen Britain. Heshiiska ayaa waxaa kamid ahaa in Britain ay Falastiin ka hirgeliso “dal ay leeyihiin Yuhuudda” waa haddii aanay tallaabadaas dhibaato ku keenayn xuquuqda madaniga ah iyo tan diimeed ee dadka aan Yuhuudda ahayn.

Kacdoonkii waddaniyada Carabta Falastiin iyo kororkii tirada Yuhuuddii dhulkaas ku nooleyd – gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii uu soo baxay nidaamkii Naziga ee 1930-meeyadii – ayaa waxa ay sare u qaadeen rabshadaha u dhexeeya labadaas qowmiyadood. Britain ayaa wax ka qabashada dhibaatada halkaa ka dhalatay ku wareejisay Qaramada Midoobay, waxaana 1947 ay soo jeedisay in Falastiin loo kala qeybiyo laba dal – mid Yuhuuddu leedahay iyo mid Carabtu leedahay – halka Qudus iyo Beytlaxam ay noqonayaan caasimad caalami ah. Qorshahaas waxaa oggolaaday Yuhuudda Falastiin, waxaa se diiday hogaamiyayaasha Carabta.

Hogaankii Yuhuudda Falastiin ayaa 14 May 1948 waxa ay ku dhawaaqeen jiritaanka dalka Israa’iil, iyagoo aan shaacin xuduudahooda. Maalintii xigtay, waxaa Israa’iil soo weerarray ciidamada shan dal oo Carab ah, waxaana sidaa ku bilowday dagaalkii xornimo doonka ee Israa’iil. Dagaalka ayaa joogsaday 1949 kadib xabbad joojinno is xigay, waxaana sidaa ku sameysmay furimaha ay Israa’iil la leedahay dalalka deriska la ah, xuduudda marinka Gaza (oo ay haysatay Masar), Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed (oo ay haysatay Urdun). Dalalka Carabta ee gobolka ayaa diiday inay aqoonsadaan Israa’iil, taasoo ka dhigtay xuduudaha kuwo aan laga heshiin.

Dagaalkii lixda maalin ee Israa’iil ay 1967 la gashay waddamada Carabta ayaa si weyn u bedalay dhulka ay ka taliso. Waxa ay qabsatay jasiirad la-moodda Sinai, marinka Gaza, bariga Qudus iyo inta badan buuraha Golan Heights ee Suuriya. Sidaa waxaa ku saddex laabmay dhulka ay Israa’iil ka taliso. Israa’iil ayaa si buuxda ula wareegtay buuraha Golan Heights iyo bariga Qudus – oo ay sheegtay in magaaladaas gebi ahaanba u tahay caasimaddeeda. Beesha Caalamka ayaan aqoonsan go’aannadaas, hase yeeshee maamulkii Trump ayaa noqday kii ugu horreeyay ee Israa’iil u aqoonsada labadaa deegaan. Feker ahaan, caalamka waxa uu si weyn ugu arkaa bariga Qudus iyo buuraha Golan deegaanno la haysto.

Mid kamid ah xuduudaha dhulka ee Israa’iil ayaa si rasmi ah loo aqoonsaday 1979 markii ay Masar noqotay dalkii ugu horreeyay ee Carab ah ee aqoonsaday dalka Yuhuudda. Heshiiska ayaa dhigayay in Israa’iil ay ciidamadeeda iyo dadka ay dejisay kala baxdo Sinai, hannaankaas oo la dhamaystiray 1982. Marinka Gaza, bariga Qudus iyo buuraha Golan Heights ayaa weli ah kuwo aan la aqoonsan xuduudda Israa’iil.

Sanadkii 1994, Urdun ayaa noqotay dalkii labaad ee Carab ah ee aqoonsada Israa’iil, sidaasna waxaa rasmi ku noqday xuduudda ay wadaagaan. Inkastoo aanay weli heshiis gaarin Israa’iil iyo Lubnaan, ayaa haddana xariiqii 1949 waxa uu noqday xuduudda waqooyi ee Israa’iil, halka aanay weli xariiqa xuduudda kala heshiin Suuriya.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa xuduud la leh Gaza tan iyo markii ay deegaankaas kala soo baxday ciidamadeeda 2005, hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa Gaza iyo Daanta Galbeed u aqoonsan dhul qura oo la haysto, sidaa awgeed weli lama go’aamin xuduudda rasmiga ah. Wadahadallo sanado badan soo jiitamayay oo go’aan looga gaari lahaa qadiyadda daanta galbeed, Gaza iyo bariga Qudus ayeysan weli wax horumar ah ka sameyn Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Exit mobile version