- Advertisements -
Home Politics Israa'iil iyo Qasa: Sida ay Ilhaan Cumar iyo Dimuqraaddiyiinta ugu kala qaybsameen...

Israa’iil iyo Qasa: Sida ay Ilhaan Cumar iyo Dimuqraaddiyiinta ugu kala qaybsameen arrinta Falastiin

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa mar qura is arkay isagoo bannaanka ka taagan fikirka ay qabaan siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbigiisa Dimuqraaddiga ee talada haya.

Kala qaybsanaan xoog leh ayaa soo baxday ka dib markii uu billowday dagaalkii Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee socday in ka badan 10 maalmood.

Kooxda caanka ah ee haweenka Aqalka Congress-ka ee ay Ilhaan Cumar ku jirto ayaa tusaale u ah kala aragti duwanaanta xisbiga Dimuqraaddiga ee ku aaddan Israa’iil.

“Kala qaybsanaantani waa mid cajiib ah; waa mid baaxad leh oo tiirar adag ku taagan,” ayuu yidhi John Zogby, oo ah Khabiir muddo tobannaan sano ah si gaar ah ula socday fikradaha Mareykanka ku aaddan gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweyne Biden wuxuu isagu muujiyay dhaqankii caadada ahaa ee Mareykanka, marar badan ayuuna ku celceliyay sida uu u aaminsan yahay in Israa’iil ay xaq u leedahay tallaabo kasta oo ay isaga difaaceyso weerarrada gantaallada ah ee Xamaas.

President Joe Biden walks on the Ellipse after stepping off Marine One near the White House

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Laakiin fikraddiisu ma aha mid ka turjumeysa dhammaan xisbiga Dimiqraaddiga ee uu sababtooda madaxweynaha ku noqday. Waxaa ku hareereysan shakhsiyaad ugu yaraan ka walaacsan xaaladda ka taagan dhulka Falastiiniyiinta, gaar ahaan Qasa iyo Daanta Galbeed.

Kala aragti duwanaanta Dimuqraaddiyiinta ee gudaha Aqalka Congress-ka

Si loo fahmo qaabka ay siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ugu kala qaybsan yihiin arrinta Israa’iil iyo Falastiin, meesha ugu sahlan waa in la eego gudaha Aqalka Wakiillada ee Mareykanka.

Horay waxaa Mareykanka loogu yaqaannay in siyaasaddiisa arrimaha dibadda ay u janjeerto taageerada Israa’iil marka ay soo ifbaxaan dhacdooyinka qalalaasaha ah ee Bariga Dhexe.

Sababta qeyb ahaan waa in la eegayo dadka Yuhuudda ah ee codadkooda ku taageera xisbiyada marka ay doorashada soo galayaan.

Hase yeeshee, Golaha Wakiillada ee go’aannada dowladda gaara waxaa muddooyinkii dambe ku soo kordhayay siyaasiyiin ka duwan kuwii hore, kana fikrad duwan, taasina waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa siyaasadda Washington ee ku aaddan Israa’iil.

.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Sanadkan 2021-ka, tiro taariikhi ah oo ka mid ah xildhibaannada ku biiray Aqalka Wakiillada iyo waliba kan Senate-ka ayaa ka kooban dad isugu jira Madow, Hispanic, Reer Aasiya/Pasific Islander ama Mareykanka dhaladka ah ee loogu yimid dalka. Tiradaas waa 23% ka mid ah kuraasta labada Aqal, sida lagu ogaaday daraasad ay sameysay Hay’adda Pew Foundation.

Labaatan sano ka hor, tiradaas waxay ahayd 11%. Sannadkii 1945-kiina waxayba ahayd 1%.

Kala duwanaanta asalka ay ka soo jeedaan xildhibaannada ayaa wax weyn ka baddaleysa fikradaha dowladda iyo isticmaalka awoodda maamulka.

Si gaar ah waxaa isha loogu hayaa kooxda haweenka da’da yar ee Aqalka Congress-ka, kuwaas oo saameyn xoog leh ku leh siyaasadda Mareykanka, waxaana ka mid ah Gabadha asalkeedu Falastiin yahay balse dhalsahada Mareykanka heysata ee lagu magacaabo Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar oo kasoo jeedda Soomaaliya.

Rashida Tlaib (bidix) iyo Ilhaan Cumar

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Rashida Tlaib (bidix) iyo Ilhaan Cumar

Labadan gabdhood ayaa horayba loogu yaqaannay dhaleeceynta Israa’iil iyo u ololeynta xuquuqda Falastiiniyiinta. Sanadkii 2019-kii, Israa’iil ayaa mar labadoodaba ka mamnuucday inay booqdaan dhulka ay ka arrimiso xukuumadda Tel Aviv.

Haweeneyda ugu caansan haweenka saddexda ka kooban waa Alexandria Ocasio-Cortez oo laga soo doortay New York balse asal ahaan kasoo jeedda waddanka Puerto Rico.

Alexandria waxay kursiga ka qaadatay Joe Crowley oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu sarreeyay xisbiga Dimuqraaddiga, horayna xilkaas u heystay. Mr Crowley wuxuu caan ku ahaa inuu mar walba taageeri jiray Israa’iil.

Dhammaan xubnahan xisbiga Dimuqradadiga kasoo jeeda waxaa hor kacaya siyaasigii doorashadii ugu dambeysay u taagnaa musharraxnimada xilka madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraaddiga dhexdiisa, Bernie Sanders, oo ka mid ah rug caddaayada siyaasadda Mareykanka ee khibradda badan leh.

Sen Bernie Sanders (I-VT) arrives before President Joe Biden addresses a joint session of Congress in the House chamber of the U.S. Capitol April 28

XIGASHADA SAWIRKA,POOL VIA GETTY IMAGES

Xilliyadii hore ee xirfaddiisa, Sanders – oo ku soo dhex koray Yuhuudda waqti badanna kuwoo qaatay Israa’iil 1960-meeyadii – wuxuu qabay fikir siyaasadeed uu si guud ugu taageeri jiray Israa’iil. Laakiin markii uu xilka madaxweynaha u tartamay sanadkii 2016-kii, wuxuu muujiyay taageero dheeraad ah oo uu u hayo Falastiiniyiinta – fikirkaas ayaana ka dhex saaray siyaasiyiinta kale ee Dimuqraaddiga.

Tan iyo xilligaas, Sanders wuxuu xoojiyay dhaleeceynta uu u jeediyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo uu ugu yeeray “mid cunsuri ah”.

Bernie Sanders oo xubin ka ah Aqalka sare ee Senate-ka ayaa isu diyaarinaya in uu Aqalka hor keeno Hindise Sharciyeed Israa’iil ka hor istaagaya Hub ay Mareykanka uga soo iibsan rabtay lacag dhan $735m (£520m), kaas oo xukuumadda Tel Aviv ay dooneysay inay kuwii xoojiso cududdeeda.

SourceBBC
HOA News Editorhttps://www.hoachannel.com
Authorized Editor for Horn of Africa Channel.
- Advertisment -

Most Popular

AU PRESIDENCY MARS 2025-2029

The 2025 election of Mohamoud Ali Youssouf as the President of the African Union (AU) marked a significant shift in the political dynamics of...

IS PRESIDENT TRUMP REALLY EXPLODING THE MIDDLE EAST?

The scenario or rhetoric involving elect President Donald Trump and his alleged initiatives in Gaza raises significant ethical, legal, and humanitarian concerns. While...

THE AU CHAIRMANSHIP-MOHAMOUD ALI YOUSSOUF OF DJIBOUTI “VICTORIOUS”

**Victory for Africa: Mohamoud Ali Youssouf Elected Chairman of the African Union** In a historic and resounding victory, Mohamoud Ali Youssouf, the esteemed candidate from...

HOW XEER CIISSA SURVIVED THE TEST OF TIME.

HOW XEER CIISSA SURVIVED THE TEST OF TIME. Xeer Issa, a traditional system of governance and justice, has managed to survive the test of time...