- Advertisements -
Home Editorials Qalalaasaha Muqdisho iyo Xalraadinteeda

Qalalaasaha Muqdisho iyo Xalraadinteeda

Haddii hasha laga gooyo candhada oo nirigta laga gooyo faruuryaha sow ma’aha “maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa”. Sidaa waxaa la mid ah go’aankii guddigu maanta soo saaray. Waxay dheheen Saadiq Joon baa qaranimada daafacay oo general Odowaa baa dambiila noqday. Sidaasi sow kama dhigno qaranimadii qabiil ba ka mudan, dawladnimadii danta qabiilka iyo ta shakhsiigaa ka horraysa, iyo ku dhaqan xeer waxaa ka roon la,’aantii iyo jaantaa rogan. Ragga yidhi madaxweine, barlamaan sharci iyo ciidamo mignaba yaan la sheegin xagay wax u wadaan? Difaac waddan haba joogee ka wax dilaya, ka aqalka xadaya iyo ka jidgooyada xamar ka samaynaya ee budhcada ah sidi yalaxow uu samayn jiray sow aan ku laabano ma’aha? Sow qabqablaynti dagal iyo mooryanimadii ee yalaxow ku xoolayatay hiigsigu ma’aha? Sow anigu aan dhergo amma ha la burburo ma’aha?
War waddanka ayaa leh. Wixii lasoo maray 30 sano ma ilowbaa? War ha la isdaba qabto, siyaasadda ha lagu tartamo si waliba ilbaxnimo ku jirto. Ciidanka, hayadaha dowladu iyo dastuurku waa lama taabtaan. Arrinta ciidamada caasiyoobay ee hubkii qaranka ku laayay ciidankii qaranka dambigoogu aadbuu u culus yahay. Mustaqbalka ciidamada iyo maslaxada dalka maanta iyo wakhtiga fog haddii in uun la danaynayo arrinta ciidamada caasiyoobay xal kale ha loo raadiyo. Waxaa bannaanayd in maxkamad la horgeeyo, la xukumo markaa saamaxaad loo fidiyo markaa wixii loo dirayo loo dirto sidii Xassan Kayd iyo 11 iyo toban sarkaal oo reer waqooyi ahaa laga yeelay 1961kii, Waxa maanta gudigu ku taliyay isagoo xal mooday dhibaatadeedu way boqol jirsan, xeer bay noqon, way soo noqnoqon markaana qabiilnimadii cid kastaba afka ka nacdalaysay ayaa dariiq noqon ku aan kaa dhamaan oo waligaa ku hor socda. Muxaafad iyo mucaarad iyo wadani dhamaan haday taa ka midoobi waayaan ogaada Somalay in aad daldalaad isku xukumtay.Tani waa fikrad oo birna kuma go’na halkay runta iyo maslaxadu taallana rabbaa og.

SourceHoaeditor
HOA News Editorhttps://www.hoachannel.com
Authorized Editor for Horn of Africa Channel.
- Advertisment -

Most Popular

Zeila Before Sharmarke: Arab Rule, Imperial Rivalries, and the Issa–Ogaas Trade Nexus

Zeila Before Sharmarke: Arab Rule, Imperial Rivalries, and the Issa–Ogaas Trade Nexus Zeila, spelled in Somali as Saylac and locally known as Awdal, was one...

Zeila avant Sharmarke : domination arabe, rivalités impériales et le lien commercial Issa-Ogaas

Zeila avant Sharmarke : domination arabe, rivalités impériales et le lien commercial Issa-Ogaas Zeila, orthographié Saylac en somali et connu localement sous le nom d'Awdal,...

Part lll:Tales of Travelers through the Horn of African Coasts; the Protectorate treaties.

Part lll:Tales of Travelers through the Horn of African Coasts; the Protectorate treaties. The Somaliland Protectorate, established through a series of treaties signed between 1884...

Partie III : Récits de voyageurs à travers les côtes de la Corne de l’Afrique ; les traités du Protectorat.

Partie III : Récits de voyageurs à travers les côtes de la Corne de l'Afrique ; les traités du Protectorat. Le protectorat du Somaliland, établi...