- Advertisements -
Home Editorials WAALLI IYO WAREER

WAALLI IYO WAREER


Waxaa muuqata in Ethiopia dhabarka ka toogatay Somalia iyadoo kaga baxday dagaalkii lagula jiray argagixisada la magac baxday Shabaab iyo Daacish oo marka horaba ay Ethiopia sabab u ahayd dhalashadooda iyo hawl galkooga gudaha Somalia. Ethiopia waxay moogtahay xikmadda ay xambaarsantahay mahmaahda dhahaysa “karis xun iyana ku wax la’a”. Waxaa kale oy Ethiopia ogayn in dhibaatada Argagixisadu iyada ku dambayn doonto kuna burburi doonto. Waxaa caddaatay in qawmidda Oromadu ay wax madhan noqotay kana qaawantahay caqliga iyo curfiga dawladnimada, inay wax dabraya jirin, inay ka arradanyihiin aqoonta xeerka adduunka iyo xushmadda iyo ixtiraamka jaarka. Waxay bilaabeen dalbaadegyo iyo gabayo ay ku sheeganayaan guulo boojima ah markay arkeen awrkii cirka oy isasiiyeen taasoo ay sababtay inay ballan ka heleen Somali hurda la’aan riyooday matalayana ilmihii hooyadii oo laabta ku sidda la dilay oo damcay inuu maydkeegii caano ka nuugo. Tani waxay toosinaysaa Somaliga hurday, waxay bogsiinaysaa Somaliga bukay, waxay kicinaysaa Somaliga fadhiyay, dabaaldegga iyo gabayguna iyakuu ku dambayn doonaa bi idnillah. Ethiopia waxay u egtahay dacawo qabta cudurka raybis la dhaho oo cid kaste qaniinaysa oo gudaha iyo dibadba laga nabdoobi waayay: Eritrea, Sudan, Egypt, Kenya haddana waxay ku bilowday Somalia iyo Waddanada Carbeed ee iska leh badda cas oo marnaba ogolayn cid kale oo faraha lasoo gasha. Abiye ha ogaado in ay biyaha badu milix qadhaad yihiin oon cabid iyo cunno midna galin, in damacu halaag wato, in kibirka lagu kufo, in nabadu naas la nuuga leedahay iyo in xeerku yahay xoolaha uu raadinayo. Abiye wuxuu xataa ka xishoon waayay Djibouti oo wax wayn ugu fadhida iyo cidda uu xadayo amma dhacayo oo Somaliland ah isagoo u badheedhay inuu xidho poorka Berbera iyo ka Djibouti labadaba. Wuxuu yidhi xoog iyo xeelad labadaba xorbaan u ahay in aan bad iyo dal ku qaato. Waa fikrad duugowday oo caqli iyo xikmad midna ku fadhiyin waana badheedha colaadeed. Ma waxaan waalli ahayn ciidan badeed aan kula tartamo America iyo Russia hawlaha Indian Ocean iyo Red Sea ayaan samaynayaa oon saldhig u rabaa! Taasi waa been xaqiiqaduna waxa weeye dhul qabsi sidii ay rabeen Minilik iyo Xayle waxaana la adeegsanayaa taarikh beena oo lagu andacoonayo Ethiopiya bad lahaan jirtay. Somaliduha ogaato haddii damaca Abiye uu hirgalo in ay la mid tahay Nakbadii (catastrophy) ku dhacday Falastin 1948kii. Somalay goaankeenu waa “GALA DAGAALKA” اللاهم انا بلقت

HOA News Editorhttps://www.hoachannel.com
Authorized Editor for Horn of Africa Channel.
- Advertisment -

Most Popular

The Miscalculation: An Essay on Hegemony, Hubris, and the Unyielding Institution

The Miscalculation: An Essay on Hegemony, Hubris, and the Unyielding Institution In the annals of history, the interplay between power and hubris often unfolds with...

Les erreur de calcul : un essai sur l’hégémonie, l’hubris et l’institution inflexible

Les erreur de calcul : un essai sur l'hégémonie, l'hubris et l'institution inflexible Dans les annales de l'histoire, l'interaction entre puissance et orgueil se déroule...

The Fog of War: America’s Reckless March Toward the Abyss

The Fog of War: America's Reckless March Toward the Abyss No war in history has begun shrouded in such profound ambiguity as the one now...

Le brouillard de la guerre : la marche inconsidérée de l’Amérique vers l’abîme

Le brouillard de la guerre : la marche inconsidérée de l'Amérique vers l'abîme Jamais dans l'histoire une guerre n'a débuté dans une telle ambiguïté que...